Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay Go’aankii kasoo baxay Xukuumadda Rooble

Gollaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay go’aankii shalay Xukuumadda Soomaaliya liiska argagaxisada uga saartay Ururka ONLF oo horey Xukuumadda Soomaaliya ugu dartay liiska argagaxisada

War saxaafadeed kasoo baxay midowga Musharixiinta ayaa lagu sheegay in go’aankii Xukuumaddii hore ee Soomaaliya ugu dartay liiska argagaxisad ururka ONLF ay aheyd taariikh madow oo mugdi ah, isla markaana xad gudub ku aheyd dowladnimada Somalia.

Dhinaca kale gollaha Midowga Musharaxiinta ayaa uga digay saraakiisaha ciidan ee garabka ka helaya Madaxweyne Farmaajo y in ay faraha kala baxaan arrimaha siyaasadda, Tabashada reer Hiiraanna ay tahay mid u baahan xal siyaasadeed.

- Advertisement -