Shirkii Farmaajo iyo Rooble oo Fashil kusoo dhamaaday iyo Qodobadii la isku mari waayay

Shir saacado badan qaatay una dhaxeeyay Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble ayaa fashil iyo natiijo la’aan kusoo dhamaaday kadib markii qodobada qaar isku fahmi waayeen labada dhinac.

Madaxda maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa ku guuleestay in ay isku keenaan Farmaajo iyo Rooble oo u dhaxeeyay khilaaf xoogan si ay isku afgartaan ugana heshiyaan khilaafka xiligan soo kala dhax galay.

Warar saacadihii hore ee xalay soo baxayay ayaa sheegayay in Farmaajo iyo Rooble  isku soo dhawaadeen iskuna afgarteen qodobadii ay kawada hadlayeen balse xalay xili dambe shirka lagu kala tagay kadib markii qodobada qaar la isku fahmi waayay.

Sida aan xogta ku helnay labada qodob ee ugu adag ee la isku mari waayay ayaa kala ahaa in kiiska Ikraan Tahliil lagu sameeyo baaritaan madax banaan iyo magacaabista Taliyaha NISA oo iyana la isku fahmi waayay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeestay in Kiiska Ikraan Tahliil hoos loo dhigo sidoo kale taliyaha NISA uu magacaabay Rooble ka laabto uuna isagu soo magacaabayo mid cusub halka uu Rooble uu isna ka biyo diiday labadaasi qodob.

Madaxda maamulada Galmudug iyo Koonfiur Galbeed ayaa wali wada dadaalo kale ay ku doonayaan in xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeya madaxda ugu sareysa dalka si uusan khilaafkan saameyn xun ugu yeelan doorashada iyo amaanka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -