Madaxweyne Laftagareen oo Guddoomiyaal cusub u magacaabay Gobolada Baay iyo Bakool

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa guddoomiyaal cusub loogu magacaabay gobolada Baay iyo Bakool.

Madaxweyne Laftagareen ayaa u magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Bakool Maxamed Cabdi Maxamed (Tall) halka ku xigeenkiisa Amniga & siyaasadda isna loo magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur (Snike).

Wareegtada kasoo baxday Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale loogu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Baay mudane Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Biyaano).

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaana faray guddoomiyaashan cusub uu magacaabay in ay gutaan waajibaadkooda, waxaana guddoomiyaashan qaarkood horey usoo qabteen xilalka mar kale loo magacaabay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -