Allbanaadir.com
NEWS

Kenya oo Cabasho ka dhan ah Soomaaliya u gudbisay Madaxweynaha Jabuuti

Dowlada Kenya ayaa wali wada cadaadis ay ku dooneyso in muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya laga soo celiyo Maxkamada caalamiga laguna xaliyo qaab heshiis is afgarad ah.

Kenya ayaa dhawaan golaha amaanka ee Qaramada Midoobay u gudbisay warbixin dheer oo la xariirta xiisada kala dhaxeysa Soomaaliya ee ka dhalatay muranka biyaha labada wadan lahaanshihiisa ku muran sanyihiin.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Monica Juma ayaa booqasho ku tagtay dalka Jabuuti waxa ayna la kulantay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle iyo wasiirka arimaha dibadda dalkaasi.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay arimo dhowr ah ay kamid tahay xiisada siyaasadeed ee xiligan ka dhax aloosan Soomaaliya iyo Kenya iyo sida ugu macquulsan ee xiisada lagu dajin karo .

Monica Juma ayaa cabasho ka dhan ah Madaxda dowlada Soomaaliya u gudbisay Madaxweynaha dalka Jabuuti, waxa ayna ka codsatay Madaxweynaha in uu soo galo xiisada labada dal .

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamed Cali Yuusuf ayaa  sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Kenya iyo Ismaaciil Cumar Geele ay soo hadal qaadeen xiisada kala dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna ka gaabsaday in faah faahin badan bixiyo.

Dowlada Kenya ayaa aad u dooneysa in dacwada muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya laga soo celiyo Maxkamada caalamiga laguna dhameeyo arintaasi heshiis iyo isfahan labada dhinac dhax mara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo shirweyne kaga qeyb galay magaalada Bagdaad (Sawirro)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Sidee roobabkii cuslaa u saameeyeen Magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose?

Caydiid Ali

Dadkii lagu laayay weerarkii xeebta Liido oo loo duceeyay (Sawirro)

Cabdi Cade