Wararkii ugu dambeeyey Waan-waan cusub oo laga dhex bilaabay Farmaajo iyo Rooble

Dadaalo lagu qaboojinayo xiisada kacsan ee madaxda dalka kaasoo ay wadaan Madaxda Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa ka socda xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho sida ay Allbanaadir Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan.

Sidoo kale, waxaa wadahadalka ku biiray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish iyo xubno kale.

Qoorqoor iyo Laftagareen ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ka dib markii ay cirka isku shareertay xiisada iyo muranka ka dhex aloosan Farmaajo iyo Rooble kaasoo salka ku haya cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil iyo difaaca Fahad Yaasiin.

Masuuliyiintan ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadanaya Rooble iyo Farmaajo iyagoo doonaya in xiisada la qaboojiyo, isla markaana la wada hadlo si loo helo xal lagu joojiyo dhibaatada taagan.

La soco wixii soo kordha insha ALLAAH.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -