Indhacadde ”Farmaajo wuxuu iloobay in ciidamada Badbaado Qaran ay weli joogaan”

Jen. Yuusuf Siyaad Indhacadde ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu xagal-daacinayo hanaanka cadaalada dalka iyo habsami u socodka doorashooyinka.

Indhacadde ayaa ka mid ahaa saraakiishii ciidanka Badbaado Qaran ee bilo ka hor ku qasbay Farmaajo inuu ka laabto muddo kororsigii labada sano ahaa ee uu damacsanaa.

Madaxweynuhu wuxuu Raisul Wasaarihii dalka ku heystaa awoodii amniga iyo doorashooyinka ee uu baarlamanka ka sheegay inuu wareejiyey, wuxuuna is hor taagay hanaankii cadaaloada dalka, taasina wax la aqbali karo maaha” ayuu yiri Indhacadde.

Waxaa uu sheegay in khilaafka ka dhex aloosan madaxda dalka uusan aheyn mid siyaasadeed balse uu salka ku hayo cadaalad u raadinta gabar sarkaalad aheyd oo ku maqan gacanta ciidanka NISA muddo labo bilood ka badan.

Farmaajo ayuu ku eedeeyey inuu difaacayo taliyihii hore ee NISA oo ku eedeysan dilka Ikraan Tahliil taasoo uu sheegay iney tahay ayaan daro weyn oo ku habsatay hogaankii dalka ee laga doonayey ilaalinta sharciga iyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Farmaajo waxaa uu isku dayayaa inuu wax walba awood ku maquuniyo isagoo iska indha tiraaya sharciga inuu ku dhaqmo, waxaad moodaa inuu iloobay in ciidamada badbaado qaran ay weli joogaan” ayuu yiri Jen. Indhacadde.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -