Muuse Biixi” Dowladda Soomaaliya sidii Kenya iyo Guinea car xiriirka ha u jaraan Mareykanka ”

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa ,kaddib safar shaqo oo dhoor maalin qaatay uu ugu maqnaa dalka Mareykanka.

Muuse Biixi ayaana soo laabashadiisa Hargeysa kaddib ka warbixiyay socdaalkii uu ku tagay dalka Mareykanka iyo waxyaabihii usoo qabsoomay, waxa uuna tilmaamay in socdaalkooda guul kusoo dhammaaday una qabsoomeen waxyaabo badan rejo galiyay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in dowladda federaalka xiriirka horey ugu jartay dowladaha Kenya iyo Guinea uu socdaal ku tagay, waxa uuna tilmaamay in aysan awoodin dowlada Soomaaliya in ay xiriirka u jarto Mareykanka oo lagu soo dhaweeyay isaga.

“Maalintii hore ee aan halkaan idinku imid ee aan Conakry ka imid ee cilaaqaadka qolada Xamar u goysay waxa aan ballanqaadnay innaga weynu wadeynaa, caalamka oo dhan waan tageynaa iyaguna tu weliba cilaaqaadka ha u jaraan, maantana Mareykanka car ha u jaraan haddii ay ku dhacaayaan, Kenya waa iyaga u jarayee” Sidaasi waxaa yiri Muuse Biixi.

Mareykanka ayaa u sheegay Muuse Biixi in aysan aqoonsaneyn maamulkiisa ayna aaminsan yihiin in Soomaaliya katirsan yihiin balse iskaashi la yeelanayaan, waxaana hadalkaasi niyad jab ku abuuray Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -