Warbaahinta Dowlada oo la safatay Ra’isul Wasaare Rooble iyo Farmaajo oo yaaban !!

Warbaahinta afka dowlada ku hadla gaar ahaan Telefishinka SNTV iyo Radio Muqdisho ayaa u muuqda kuwa aan dhax dhaxaad ka aheyn khilaafka u dhaxeeya Madaxda ugu sareysa dalka gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Wareegto uu xalay soo saaray Madaxweyne Farmaajo kuna magacaabayay Agaasime KMG ah oo hay’adad NISA yeelatao iyo lataliyaha Amniga Qaranka ayaa laga saaray baraha bulshada Warbaahinta dowlada oo markii hore lasoo saaray.

Amar kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta ayaa lagu saaray Wareegatada Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo daabacay bogga Telefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho, waxaa sidoo kale hawada laga saaray Usero Villa Soomalaiya ku laheyd bogga Tv-ga Qaranka.

Saacado kadib Warbaahinta dowlada waxaa lagu soo daabacay Qoraal uu soo saaray Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu uga jawaabayay Wareegtadii Farmaajo kasoo baxday uu ku magacaabay Taliyaha KMG ah ee NISA.

Qoraal kale oo goordhaw kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo uu kulan isugu yeerayay Golaha Amniga Qaranka ayaan sidoo kale lagu soo daabicin Warbaahinta dowlada qeybaheeda kala duwan.

Warbaahinta dowlada ayaana hada u muuqata mid aan dhax dhaxaad ka aheyn khilaafka siyaasadeed ee xiligan u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, waxaana Warbaahinta dowlada ku shaqeeneysaa xiligan siyaasada Ra’isul Wasaare Rooble.

Waxaa horey looga bartay Warbaahinta dowlada in siyaasad ahaan la saftaan Madaxweynaha marka uu khilaaf soo kala dhax galo isaga iyo Ra’isul Wasaaraha, hasa ahaatee waxaa hada muuqata in Warbaahinta dowlada markan la safatay R/Wasaaraha.

Madaxweyne Farmaajo ayaana ka yaaban go’aanka Warbaahinta dowlada uga soo horjeesatay loogana saaray Wareegtadii uu soo saaray, waxa uuna ka fekerayaa go’aano kale uu ka qaadan karo Warbaahinta dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -