Fahad Yaasiin oo xilka Wareejiyay iyo Ciidamo badan oo lasoo dhoobay Xarunta NISA

Waxaa meel xun gaaray khilaafka ka dhashay Shaqo ka joojintii Taliyihii Hay’adad Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, waxaana siyaabo kala duwan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha u magacaabeen taliyaal KMG ah.

Qoraal goordhaw lasoo dhigay Barta Twitterka Hay’adad NISA ayaa lagu sheegay in munaasabad goordhaw ka dhacday xarunta Nabad Sugida xilka ku wareejiyay Agaasimihii hore ee Hay’adadaas Fahad Yaasiin.

” Waxaa taliska Hay’adda NISA ka dhacday munaasabad uu xilka kula wareegayay taliyaha KMG ee NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, waxaana alle uga rajeeneynaa in uu u fududeeyo masuuliyada Madaxweynaha u igmaday ” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA.

Ciidamo badan oo Wata Dabaabaadka dagaalkan katirsan NISA gaar ahaan kuwa loo yaqaan Duufaan oo ka amar qaata Fahad Yasiin una badan ciidamo laga keenay Gedo iyo kuwa kasoo goostay Al Shabaab ayaa lasoo dhoobay wadooyinka soo gala xarunta NISA.

Talaabooyinkan ka dhacay xarunta NISA ayaa imaanaya xili la hadal hayay kormeer Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Rooble ku tagayo Xarunta NISA isaga uu wehliyo taliyaha uu magacaabay ee Jen Bashiir Goobe.

Waxaa suurto gal ah taliska cusub NISA uu magacaabay Farmaajo in is hortaag ku sameeyaan Ra’isul Wasaare Rooble hadii uu damco in uu xaruntaasi tago, waxaana laga cabsi qabaa khilaafka hada taagan kasii daro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -