Madaxweyne Deni oo soo dhaweyn aan horey loo arag loogu sameeyay Gaalkacyo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safaro shaqo dalka dibadiisa ugu maqnaa ayaa maanta dalka dib ugusoo laabtay, waxaana si weyn   loogu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo.
 
Soo dhoweynta Madaxweynaha waxaa ka qeybagalay Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda ee Puntland iyo Galmudug, Masuuliyiinta Gobolka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo ee labada dhinac Galmudug iyo Puntland, Saraakiisha laamaha Amniga iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshaweynta magaalada Gaalkacyo.
Shacabka ka qeyb galayay soo dhaweynta Madaxweynaha Puntland ayaa ka kala yimid labada qeyb ee u qeybsan tahay magaalada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland, waxa ayna labada dhinac kala wateen calamadooda.
Soo dhaweyntan loo sameeyay Madaxweynaha Puntland ayaa ka duwaneyd kuwii horey loogu sameyn jiray magaalada Gaalkacyo,waxaana markan si wadajir ah usoo dhaweeyay shacabka iyo maamulka labada dhinac ee Gaalkacyo u qeybsan tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -