Nin hubeysan oo caawa dil wadareed naxdin leh ka geystay Muqdisho

Nin hubeysan ayaa caawa garaash ku yaalla xaafada Al-Cadaala oo ka tirsan degmda Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay saddex nin oo walaalo ahaa.

Ehelada raggan la dilay ayaa waxay sheegayaan in ninka dilka geystay uu ka mid ahaa askarta ciidamada dowladda Soomaaliya, isla markaana uu ilmo adeer la ahaa ragga isla dhashay ee uu laayey.

Wararka ayaa sheegaya in dil wadareedkan uu salka ku hayo muran la xiriira dhul la isku heysto oo muddo badan soo jiitamayey kaasoo ka dhexeeyey labada qoys ee ilmo adeerka ah.

Askariga dilka geystay ayaa baxsaday, waxaana dabagal ku haya ciidamada amaanka oo baadi goobaya si ay u soo xiraan.

Raga la dilay ayaa magacyadooda lagu soo kala gaabiyey Xasan, Xuseen iyo C/llaahi.

Dadka degaanka oo si weyn u garanayey raga walaalaha ahaa ee la laayey ayaa ka argagaxay falkan, waxaana caawa si weyn looga hadal hayaa degaankaas dhacdadan naxdin leh.

Dhacdooyinka noocan ah ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho, Horaantii bishii hore ayeyna aheyd markii xaafad ka tirsan degmada wadajir uu nin hubeysan ku laayey afar oo qoyskiisa ka tirsanaa ka hor inta uusan isaguna is dilin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -