Qarax dhimasho badan geystay oo lala eegtay Ciidamada Kenya & Wararkii ugu dambeeyey

Qarax khasaaro culus geystay ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya oo ku sugnaa gobolka Waqooyi bari dalkaas sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Wajeer.

Qaraxan ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso waxaana lala eegtay Gaari ay wateen ciidamada xilli uu marayey degaanka Bojigaras.

Guddoomiyaha magaalada Wajeer Loyford Kibara ayaa sheegay inay jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo ciidamada ka soo gaaray qaraxaas ayna wadaan baaritaano.

Ciidamo gurmad ah oo ka tirsan kuwa Kenya ayaa gaaray goobta ciidamada qaraxa lagula beegsaday, waxaana burburay gaarigii uu qaraxu qabsaday.

Saraakiisha Booliska kenya ayaa sheegay in qaraxaas ay ku naf waayeen 8 ka mid ah ciidamada Kenya, kuna dhaawacmeen qaar kale.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan, waxaana baraha internetka ee ku hadla codka kooxdaas lagu shaaciyey in weeerarkaas ay ku dileen 15 askari oo Kenyan ah.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya xili saacado ka hor dayuuradaha Kenya ay duqeeyeen degaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo oo ay maamulaan al-shabaab, waxaana ku dhaawacmay inta laga warqabo 3 qof oo shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -