Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo war ka soo saaray arrin xiisad ka abuurtay Muqdisho

Booliska DF ayaa shalay bilaabay iney qasab ku saaraan shacabka deggan guryaha Bangiga dhexe ee ku yaalla Bangaariyo ka dib warqad dhowaan kasoo baxday Maxkamada Gobolka Banaadir oo dhulkaas lagu baneynayo.

Dhulkan oo ah mid baaxad leh ayna ka dhisan yihiin guryo fara badan oo ay dhistay dowladii kacaanka ayaa ku yaalla inta u dhexeysa garoonka Aadan Cadde iyo xaafada Ceel-qalow ee degmada Wadajir, waxaana ku noolaa boqolaal qoys, iyadoo xiligii beri samaadkii la dejiyey qoysaska shaqaalaha bankiga Dhexe ee waagaas shaqeynayey.

Siyaasiyiin ka soo horjeeda dowlada ayaa shaki ka muujiyey in dowladu ay arrimo dan guud ah ka leedahay dhulkaas, iyagoo tusaale u soo qaatay sida Dowlada Xassan Shiikh muddo xileedkeedii hore ay u maareysay dhulkii uu lahaa garoonka Aadan cadde ee hadda loo yaqaano Jaayga oo markii shacabkii degenaa laga kiciyey ay qasriyo iyo daaro waaweyn ka dhisteen shaqsiyaad ka tirsan qoyska Madaxweynaha, Wasiiro iyo dad kale oo awood ku lahaa dowlada.

Bankiga dhexe ee Somalia oo xalay war ka soo saaray baneynta dhulka bangaariyo ayaa sheegay in dhulkaas oo bankigu lahaa uu dib ula soo wareegay.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEED BANKIGU KA SOO SAARAY ARRINTAN

War saxafadeed rasmi ah

Maanta oo ay taarikhdu ku astaysantahay 13-ka Maarso, 2023, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxuu si sharci ah ula soo wareeegay dhulka iyo Guryaha Bankiga (Bangaariyo) ee ku yaala Degmada Wadajir gaar ahaan xafadda Buulo-xuubey.

Go’aanka la wareegista dhulka waa mid loo maray si waafaqsan dastuurka, iyo Shuruucda dalka.  Sida uu qabo qodobka 87-aad ee xeerka madaniga Soomaaliyeed oo ka hadlaya hantida garan-ka  waxuu si cad u sheegayaa inaan la iibin karin, la rahmi karin ama lawareejin karin hanti Qaran oo ay leedahay dowladdu. Bangiga isagoo tixgaliya mudnaanta iyo baahida uu u qabo ka fai’daysiga dhulkiisa ayuu u maray si waafaqsan hanaanka garsoorka dalka inuu hantidiisa si sharci ah dib ula soo wareego.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxuu si waafaaqsan sharciga ula soo wareegi doonaa dhamaan hantidiisa kale ee shacabku sida sharcidarada ah ku daganyihiin.

Dhamaad.

- Advertisement -