Saciid Ciise: “Dacwada Ikraan waxay jid halaq mareen ah ku fureysaa Farmaajo & Fahad”

Waxaa muuqata saansaanta saman colaadeed oo ka soo bilowday December 18, 2021 oo Rooble uu ka badbaadey wax u muuqdey iskuday dil oo Fahad iyo Farmaajo ay hiilo wadaag ku ahayeen. Hiilada Farmaajo waxey salka ku haysaa hooyadiis oo ilmo shiikhaala dhashay oo aabahood u door gacan qabasho ku lahaa Nolosha Farmaajo, sidaas si la mida Fahad waxaa la dhashay ilmo ku heyb ah Farmaajo, waxaana Fahad barbaarintiisa iyo soo gacan-qabashadiisa door weyn ku lahaa odeygaas Mariixaan.

Rooble wax badan looma sheegin, laakiin qoorsagaaradii lagu qabtay oo uu ka badbaadey ayuu ku baraarugay geedi socodka  inqilaab abaabulkiisu sareeyo oo maalin uusan ogeyn mudeysan. Gabadha Ikraam Tahliil Faarax oo sida loo badinayo la kufsaday, kadibna jirdil awgeed u geeriyootey ayaa ahayd fariin si toosa ugu socotey Rooble oo isku dayey inta aan gabadha loo geysan gaboodfalka iyo jirdilka inuu Fahad uga digo inuusan waxyeeleyn gabadhaas, taasoo bedelkeeda looga dalbadey inuu ka laabto shaqo ka joojinta Abdullahi Kulane.

Fahad, Farmaajo, iyo Rooble xaalada ay ku sugan tahay gabadha waxey ula socdeen si faahfaahsan oo aysan waxba ka qarsooneyn, Waxeyna arrinta gabadha sidii laga yeeli lahaa ay isku hayeen laba bilood oo jiho loo jeediyo la waayey Rooble oo dhinacna mucaarad ka ah, dhinaca kalana muxaafid ka ah, waxyaabaha sida hoose la isugu haystana waxey saddexda nin ka fog yihiin danta guud ee maslaxada ummadda.

Cabsida ay wadato baarista gal dacwadeedka Ikraam ayaa waxey jid halaq mareen ah ku fureysaa Farmaajo iyo Fahad oo ay ku soo baxayaan dhamaan dilalkii qorsheysnaa oo ay labadaas nin isla ogaayeen abaabulkeeda.

Fahad Waa nin xagjira oo faylasha sirta ah ku qarsada qasnada sirdoonka ee uu ku leeyahay Qatar, wixii raadraaca ee xaafiisyada NISA yaalana uu tirtirayo inta uusan fursad u helin agaasimaha bedelaya.

Rooble iyo Farmaajo weli kalama aysan dhamaan waxaana suurtogal ah inuu yimaado tanaasul lagu heshiisiinayo, maxaa yeelay Rooble wuxuu weli la degen yahay Farmaajo aqalka madaxtooyada, waxaana madaxtooyada ilaaliya ciidanka kofi gaduuda oo ka amar qaadata Farmaajo. Rooble Marna ma codsan in madaxtooyada oo ah xaruunta laga maamulayo doorashada laga madax banaaneeyo Farmaajo oo ay tahay in la dejiyo guri u ku sugto inta xilka lagala wareegayo oo uu ku qabsado ololaha musharaxnimadiisa ama uu isagu u guuro Villa Baydhaba oo halkaas uu ka dhigto xarunta uu ka maamulayo geedisocodka doorashada iyo amnigeeda.

Fahad waa cadow, Farmaajana waa cadow kaaliye, Rooblana waa dayday ugaarato ah oo buur korkeed kula dagaalamaya saaxiibadiisa hore oo uusan sinaba uga maarmi karin. Is’hertin badan oo cid walba ay ka soo gaarto dhaawac aan muuqan oo mid walba uu qarsanayo dhibka ka soo gaarey jugta ku dhacday, waxaan shaki laheyn in xaalada saddexdaas nin ay ku soo afjarmeyso xeer jajabka tukaha. Sida Rooble uga badbaadey iskuday lagu quusinayey ayey Farmaajo iyo Fahadna uga badbaadayaan iskudayo lagu quusinayo.

Ugu dambeystii waxaa ila wanaagsan inaan lagu dhagramin saddexdaas nin oo dhagar qabeyaasha ah ciyaar masraxeedkooda aan siyaasad ahaan miisaan dhelitiran lahayn, rajaduna ay tahay in saddexdooduba abaal la’aan uga wada suulaan saaxada siyaasadeed doorashada kadib sida ku wada dhacday Nuur Cadde(AUN) iyo Col. Abdullahi Yusuf(AUN).

W/Q: Saciid Ciise Maxamuud 
Guddoomiyaha xisbiga Dadka ahna 
Musharax u taagan xilka Madaxweynaha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia, 
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -