Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dabaal deg ay sameenayeen kooxda Taalibaan oo dhimasho badan sababtay

Dagaalyahanada Taalibaan ayaa si weyn ugu dabaal degay guul ay sheegeen in ay ka gaareen dagaal ay kula jireen  Xoogaga Iska-caabinta Taalibaan ee NRFA oo kaa oo ka socday gobolka Panjshir .

Taalibaan markii ay shaacisay in ay la wareegeen Dooxada gobolka Panjshir waxaa magaalada Kabul iyo magaalooyin kale ay kooxdaasi maamusho ka bilowday dabaal degyo iyo in rasaas xoogan hawada u ridaan dagaalyahanada Taalibaan.

Wararka ka imaanaya magaalada Kabul ayaa sheegaya in rasaas dabaal deg ahaan xalay u rideen Taalibaan ay sababtay geerida 17-qof qof oo shacab ah iyo dhaawaca dad ka badan 30-qof oo kale kuwaa oo haleeshay rasaas habow ah.

Dadka ku dhaqan magaalada Kabul ayaa qal qal badan dareemay intii ay socotay rasaasta dabaal dega ah, dadka qaarkood ayaana u qaatay rasaasta xoogan ay ridayeen kooxda Taalibaan in uu ahaa dagaal ka  qarxay magaalada Kabul.

Kooxda Taalibaan ayaana wali si rasmi ah uga hadlin khasaaraha ka dhashay rasaastan dagaalyahanooda dabaal dega ahaan u ridayeen, waxa ayna tani kordhisay walaaca laga qabo in dhibaatooyin geestaan dagaalyahanada daacada u ah Taalibaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo xukun adag ku riday askari geystay dil abuuray caro xooggan

Caydiid Ali

Qarax miino oo goordhaw ka dhacay magaalada Dhuuso Mareeb

Cabdi Cade

Guddoomiye Siidow oo shaaciyey sabab yaab leh oo ka dambeysay dagaalkii Wanleweyn

Caydiid Ali
Taboola Ads ---