Guddoomiye Siidow oo shaaciyey sabab yaab leh oo ka dambeysay dagaalkii Wanleweyn

Guddoomiyaha degmada Wanle-weyn ee gobolka Sh/hoose Maxamed Siidow ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaalo maanta ka dhacay degmadaas oo uu dhexeeyey ciidamo kala taabacsan isaga iyo ku-xigeenkiisa.

Maxamed Siidow ayaa sheegay in dagaalku ka bilowday markii Guddoomiye ku xigeenkiisa uu isbaaro dhigtay bartamaha Magaalada isla markaasna uu lacago baad ah oo gaarayo 110 Dollar ka qaado gawaarida xamuulka ah ee u kala goosha gobolada.

Maxamed Siidow ayaa sheegay in arrintaas ay keentay inay ka xanaaqaan qaar ka tirsan ciidamada Daraawiishta oo iyana isbaaro kale dhigtay  kadibna waxa uu sheegay iney weerar ku soo qaadeen ciidamo uu hoggaaminayo ku xigeenkiisa oo uu sheegay inuu diidan yahay in cid aan isaga aheyn ay isbaaro dhigato Magaalada.

Waxaa intaas ku daray in dagaalkaas ay ku dhinteen afar qof oo saddex askari iyo qof shacab ah, ayna ku dhaawacmeen tiro kale

Guddoomiye Maxamed Siidow iyo ku xigeenkiisa ayay warar madax sheegayaan iney isku heystaan maamulka lacagaha sharci darada ah ee laga qaado isbaaro ciidamadooda u kala taalla magaalada dhexdeeda.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya iney degan tahay xaalada magaalada Wanle-weyn ee gobolka Sh/hoose ka dagaalkii maanta inkastoo xiisad colaadeed ay ka jirto halkaas, ayna suuragal tahay in dagaal uu mar kale qarxo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -