Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somaliland oo xukun adag ku riday askari geystay dil abuuray caro xooggan

Maxkamadda ciidanka milatariga Somaliland darajadeeda koowaad ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi

Askarigan ayaa lagu helay inuu Arbacadii toddobaadkii hore magaalada Lawyocaddo ku dilay Taliye Khadar Maxamed Caynaanshe oo ay ka wada tirsanaayeen ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland.

Meydka taliye ku-xigeenkii Ciidamada Badda ee xeebta Gobolka Awdal ayaa la geeyay magaalada Boorama ee gobolkaasi halkaasoo lagu aasay maalin ka hor.

Caro dad weyne oo xooggan ayaa ka dhalatay dilka askariga maanta la xukumay uu u geystay marxuum Khadar, iyadoo xiisad arrintaasi ka dhalatay saacadihii lasoo dhaafay ay ka taagnays gobolkaasi, waxayna dadka deegaanka qaarkood dalbanayeen in la isla aaso labada ruux, waa marxuumka iyo asakriga dilka geystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

C/raxmaan C/shakuur: “Ma jirto illaa hadda deyn Somalia laga cafiyey oo la ogyahay”

Caydiid Ali

Dowlada Itoobiya oo shaacisay tirada Ciidamada ka jooga gudaha Soomaaliya

Cabdi Cade

Isra’il oo weerartay saldhig ay ciidanka UNIFIL leeyihiin iyo cambaareyn ka dhalatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---