(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Saciid Deni & danjire Mr. Qin Jian

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay wefti balaaran oo uu hogaaminayey Safiirka dalka Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Qin Jian.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dowladda Puntland. Kulanka kadib Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si wadajira uga warbixiyey muhiimadda kulanka iyo arrimihii looga wadahadlay, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in safiirka ay tahay markiisii labaad oo uu yimaado Puntland, waxaa uu xusay in booqashadiisu ay kusoo beegmayso xilli Puntland isu diyaarinayso maalgashi iyo kobocdhaqaale.

“Waan ku faraxsanahay booqashadiisa ku salaysnayd inaan isdhaafsano aaraa iyo aragti, Puntland oo marayso heerka horumarinta dhaqaalaha inuu soo booqdo, iyadoo ay joogaan shirkado shiinays ah oo dalka horena u maalgeliyey, haddana maalgelin kaleeto ka samayn doona haddii Alle idmo, shirkadahaas oo runtii u caansan tahay shirkadda CCECC oo dhistay garoonka Diyaaradaha Boosaaso, hadana mashaariic kale ka fulindoonta dalka, waan ku faraxsanahay imaanshihiisa waanna uga mahadcelinayaa, waana soo dhoweynayaa” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Safiirka shiinaha ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshihiisa Puntland markiisii labaad, waxaana uu bogaadiyey iskaashiga ganacsi iyo maalgashi ee Puntland iyo dalkiisa.

“Waa markii labaad ee aan imaado Puntland oo aan soo dhigo cagahayga dhulkan aadka u quruxda badan, waxaa sahashey tan saaxiib tinimada wanaagsan ee na-dhexmartay, ujeedada socdaalkaygu waxay ahayd inaan dardargelino saaxiiibtinimada ka dhexaysa labada shacab ee Soomaaliya iyo shiinaha, inaan wax ka ogaano fursadaha ganacsi ama maalgashi ee ka jira Puntland iyo inaan dhiirigelino iskaashiga maalgashi ee ka dhexeeya labada dhinac”.

“Sanadkan horaantiisii Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Deni wuxuu soo boogday gobolka Zhejiaing, labada dhinac waxay ka wadahadleen qodobo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga iyo dardargelinta saaxiibtinimada qotada dheer ee labada dhinac, waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Deni iyo Dowladda Puntland dedaalka ay ku bixiyeen sidii ay u horumarin lahaayeen xidhiidhka saxiibtinimo ee Puntland iyo shiinaha” ayuu yiri Safiirka shiinaha ee Soomaaliya Mr Qin Jian.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -