Saraakiil iyo Ciidamo ka socda Puntland oo gaaray Jiida Dagaalka Mudug (Sawirro)

Saraakiil iyo ciidamo katirsan dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta gaaray deegaano kuyaala gobolka Mudug ee Galmudug gaar ahaan jiida hore goobaha ay isku hor fadhiyaan ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Al Shabaab.

Sida aan wararka ku helnay saraakiisha iyo ciidamada Puntlnad ayaa gacan ku siinaya ciidamada Galmudug iyo kuwa milatariga Soomaaliya dagaalka ka dhanka kooxda Al Shabaab ee ka socda deegaano katirsan Mudug.

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa talaabo taariikhi ah oo mudan bogaadin ku tilmaamay talaabada ay qaadeen saraakiisha iyo ciidamada Puntland ee soo gaaray deegaanada Galmudug.

”Tallaabo kale oo taariikhda baal-dahab ah ka geli doonta oo mudan bogaadin iyo mahadcelin soona xiri doonta kala qoqobkii iyo colaadihii gacan ku samayska ahaa ee ka dhexeyn jirey dadka walaalaha derska ah ee PUNTLAND iyo GALMUDUG, Waa saraakiisha Puntland oo si hordhac ah kusoo gaartay Jiidda hore ee dagaalka lagula jiro kooxda hororka ah ee Shabaab deegaanada koofurta Gobolka Mudug.” ayuu yiri Fiqi.
Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sheegay in kooxda iyo taageerayaashoodaba  u soo hoyday jab cusub iyo baaba’ xooggan, waxa uuna soo dhaweeyay in ciidamada Puntland qeyb ka noqdaan dagaalka Al Shabaab kula jiraan.
Maamulka Puntland ayaa maalmahan la hadal hayay in ciidamo ku taageerayaan dagaalka Al Shabaab looga saarayo gobolka Mudug, waxa ayna Puntland dhawaan fasaxday gaadiid nuuca dagaalka oo mudo Galmudug uga xayirnaa dekadda Boosaaso.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -