Dad badan oo ka cabsi qaba Taliban oo cagahooda uga baxsanaya Afganistan (Sawirro)

Dalka Afganistan ay la wareegeen kooxda Taalibaan waxaa wali ka socda barakac ay sameenayaan kumanaan dad ah, kuwaa oo ka cararaya guryahooda iyaga oo ka cabsi qaba in waxyeelo u geestaan dagaalyahanada Taalibaan.

Muuqaalo laga soo duubay ayaa muujinaya dad badan oo ka qaxaya dalka Afganistan oo ka gudbaxaya xaduudaha qaar kamid ah wadamada dariska la ah dalkaasi gaar ahaan Wadamada Pakistan iyo Iran.

Dadkan qaxaya ayaana ku dhax lugeenaya buuro dhaxdooda iyo dhulal banaan, waxa ayna dadkan qaarkood doonayaan in ay usii gudbaan wadamada reer Galbeedka iyaga oo qaab tahriib ah kusii maraya wadmo kale oo badan.

Ciidamadii Mareykanka ee daad guyreynta kawaday magaalada Kabul ayaa gabi ahaan isagaba baxay dalkaasi, waxaana dadka qaarkood oo horey uga mid ahaayeen dowladii dhacday iyo kuwa lasoo shaqeeyay wadamo shisheeye oo ka cabsi qaba in la beegsado.

Kooxda Taalibaan ayaa horey ugu baaqday dadka caraya in dalkooda joogaan ayna jiri doonin wax aargoosi ah, hasa ahaatee dadka qaarkood ayaana ku kalsooneyn baaqa Taalibaan iyagoona dalkooda isaga cararaya si aan loo dhibaateen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -