Ra’isul Wasaare Hailemariam oo si adag uga hadlay Soomaali lagu laayay Itoobiya

Ra’iisul wasaaraha dalka  Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa si adag uga hadlay Soomaali badan oo dhawaan si arxan daro ah loogu laayay deegaano katirsan ismaamulka Oromada .

Hailemarian Deselegn  oo ka hadlay TV-ga dalkaasi ayaa sheegay dad badan oo Soomaali ah lagu dhax laayay Saldhig booliis, waxa uuna tacsi u diray ehelada dadkii Soomaaliyeed ee la laayay.

 

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya  ayaa sheegay in dhibaato badan ay ka dhacday goobta dadka lagu laayay, waxa uuna ka gaabsaday in uu shaaciyo tirada rasmiga ah ee dadka ay Oromada laayeen.

Wuxa uu  ku tilmaamay falkan ka dhacay gobolka Oromada “dil wadareed ka dhan ah dad shacab oo Soomaali ah”,waxa uuna ku sifeeyay dadkii dadkaasi laayay in ay yihiin Dambiilaaal.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa xaqiijiyay in guddi loo saaray arrinta si ay u soo baaraan ka dibna wuxuu sheegay in waxa sharciga uu ka qabo lagu qaadi doono kuwa dembiga uu ku caddaado.

Sidoo kale. waxaa la shaacin doonaa sida dhibaatada ay u dhacday iyo dadka geystay, sida uu sheegay Hailemariam Desalegn, ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Dad ku dhaw 100-qof oo Soomaali ah ayaa lagu laayay Ismaamulka Oromada , waxaana hada jirta cabsi xoogan oo ka dhax jirta Maamulada Oromada iyo Soomaalida Itoobiya, Dowlada ayaana ciidamo badan geesay meelaha xiisadaha ka jiraan si dhibaato kale aysan u dhicin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -