Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka PSF ee Maamulka Puntland oo howlgal ka fuliyey Buuraha Cal-madow (Sawirro)

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Puntland PSF ayaa maanta hawlgal ka fuliyey degaanka Dol-qooxle ee Buuraha Cal-Madow oo hoostaga tuulada Af-urur ee gobolka Bari.

Hawlgalkan ay ciidanka PSF  fuliyeen ayaa yimid kadib markii ay ciidanka PSF heleen xog sheegaysa inay Buuraleyda aaggaas ay  yimaadeen Xubno ka tirsan Al Shabaab.

“Ciidamada PSF way sii wadi doonaan hawlgallada qorshaysan oo ay ku beegsanayaan kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish, shacabka reer Puntlandna waxaan ka codsanaynaa inay ciidamadooda ku  garab istaagaan ka hortaga cadowga ku hawllan gumaadka iyo waxyeelaynta shacabka Soomaaliyeed” ayuu lagu yiri qoraal ay soo saareen ciidanka PSF.

Laguma sheegin qoraalka cid lagu soo qabtay howlgalkaas ama iska horimaad dhexmaray ciidamada PSF iyo xoogaga Al-shabaab.

Buuraha Galgala ee gobolka Bari ayaa waxaa fariisimo ku leh xoogaga Al-shabaab oo dagaal kula jira maamulka Puntland, waxaana labada dhinac dhowr jeer halkaas ku dhexmaray dagaalo culus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

DF oo digniin kama dambeys ah u dirtay Itoobiya

Caydiid Ali

Nin 17-sano ah God uga dhuumanayay Booliis oo ugu dambeyn la qabtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ganacsatada Kenya ee Jaadka keenta Soomaaliya oo Fariin Xasaasi ah soo diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---