Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan sheegay in Farmaajo uu yahay deeqsi Itoobiya Ciid Mubaarak ahaan u siiyey 4 dekedood

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan xildhibaanada federaalka ee mucaaradsan madaxda dowlada ayaa dhaliilay War murtiyeedkii shalay ka soo baxay dowladaha Somalia iyo Itoobiya ka dib booqashadii uu dalka ku yimid raisul wasaare Abiy Ahmed.

War murtiyeedka oo ka koobnaa 16 qodob oo khuseeya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ayaa waxaa ku jiray qodob xasaasi ah oo sheegaya in Itoobiya ay maalgashato afar dekedood oo ku yaalla Somalia.

”|Abiy Axmed oo booqashadiisa ku soo aadiyey maalintii labaad ee ciidda barakaysan ayaa Madaxwaynaheena oo deeqsi ah waxaa uu Ciid Mubaarak ahaan u siiyey 4 dekedood iyo magaalooyinka Waaweyn ee Soomaaliya in Itoobiya qunsuliyadahooda ay ka furan karto si ay arrimaha degaanadaas ka jira ay ula socoto ama xafiisyadeedaasi ay u noqdaan kuwa laga xukumo goboladaas.” ayuu Xildhibaan Fiqi.

Xildhibaanka ayaa isweydiiyey sababta afar dekedood loo siiyey Itoobiya, Imaaraadkana loogu diiday hal deked

”Madaxweynaha haddii uu sidaas deeqsi u yahay muxuu Imaaraatka halka deked ugu diiday?? Mase ciidda barakaysan farxadeedii ayaa ka badatay” ayuu yiri Xildhibaanka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mustaqbalka Saciid Denni, iyo isagoo u diiday Madaxweyne Xasan Sheekh inuu booqdo Puntaland !!

admin

Madaxweyne Qoor-qoor & Wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhoweeyey Gaalkacyo (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda oo Shaacisay in 50-Dagaalyahan ay ku jiraan Saraakiil lagu dilay Deegaanka Afcad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---