Madaweyne Farmaajo oo magacaabay Guddiga Qaran ee Wadahadalada Somaliland (Akhriso Magacyada)

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Guddigan uu magacaabay Madaweyne Farmaajo oo ka kooban lix xubnood ayaa isugu jira Xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtay dowlada federaalka.

Madaxweyne Farmaajo Guddigan uu magacaabay ayaa waxaa Gudoomiye u ah Xildhibaan Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo horey sidoo kale Wasiir uga soo noqday dowladii KMG aheyd.

Halkan ka Akhriso Magacyada Guddigan la magacaabay

1-Xil. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Guddoomiyaha guddiga.
2-Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) Guddoomiye kuxigeen.
3-Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow)
4- Dr Cali Siciid Fiqi
5-S/G: Axmed Jaamac Muuse
6-Xil. Cali Axmed Jaamac (Jangeli

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -