Banaan bax ka dhan ah ciidamada AMISOM oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan taalada Daljirka Dahsoon ka dhacay banaan bax ay dhigayeen ehelada qaar kamid ah dadkii dhawaan ciidamada AMISOM ku laayeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa ka cabanayay in wali aysan cadaalad helin eheladooda, waxa ayna ku baaqeen in cadaalad loo helo dadka ay sida arxan darada aheyd ciidamada AMISOM ugu laayeen Golweyn.

Ehelada banaan baxa dhigayay qaarkood oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay qirteen dadka ay ku laayeen deegaanka Golweyn, waxa ayna ku eedeeyeen in AMISOM wali ku wado meer meeris.

Waxa ay sheegeen banaan baxayaasha in aan la aasin wali dadkii ay laayeen ciidamada AMISOM, waxa ayna cadeeyeen in aan la aasi doonin dadka la laayay ilaa ay ka helaan cadaalad ay ku qancaan.

Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa horey u qiray in ciidankooda dad shacab ah ku laayeen deegaanka Golweyn, waxa uuna Madaxweynaha balan qaaday in cadaalada la horgeyn doopo askarta dilka geesatay lana sii doono ehelada dadla la dilay magdhaw.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -