Imaam Muslim ah oo lacag badan ugu deeqay Mashruuc lagu dhisayo Kaniisad weyn

Dalka Gana waxaa ka bilowday mashruuc lagu dhisayo kaniisad aad u weyn oo lacagta ku baxeysa dhismaheeda lagu qiyaasay $100 Milyan oo doolar, waxaana lacagtan lagu dhisayo kaniisada lagu aruurinaya bulshada dalkaasi kunool.

Madaxa golaha imaamyada dalka Gana Sheekh Cusmaan Sharubutu ayaa in ka badan 8,000 oo doolar ugu deeqay mashruuca dhismaha kaniisadda qaran ee laga dhisayo caasimada dalka Gana ee Accra.

Muslimiinta kunool dalka Gana ayaana siyaabo kala duwan uga hadlay lacagtan uu dhismaha kaniisada ugu deeqay Madaxa golaha Muslimiinta dalkaasi, waxaana dadka qaarkood talaabo aan fiicneyn ku tilmaameen lacagta Imaamka ku bixiyay kaniisada.

Sheekh Cusmaan Sharubutu 102-sano jir ah  ayaa sheegay in sababta uu dhismaha kaniisadda ugu deeqay dhaqaalahan ay tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeyo muslimiinta iyo kiristaanka kunool Gana.

Wadaadkan hogaamiya golaha Imaamyada dalka Gana ayaa horey dood badan uga abuuray dalkaasi kadib markii uu ka qeyb galay munaasabad duco ah oo ka socotay kaniisad dalkaasi kutaala.

Kaniisadan laga dhisayo dalka Gana ayaa dood badan abuurtay gudaha dalkaasi, waxaana dad badan tilmaameen in lacagtasai tirada badan ee lagu dhisayo kaniisada ka habooneyd in lagu bixiyo horumarka dalka iyo hagaajinta dhaqaalaha dalkaasi oo hooseeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -