Nin Careesan oo Sabab layaab leh u gubay Xaruntii Bisha Cas ee Baardheere (Sawirro)

Wararka aan ka heleyno magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dad careesan oo magaaladaasi kunool ay dab qabad siiyeen xaruntii ay ku howlgali jirtay Hay’adad Bisha Cas.
Sida aan wararka ku helnay dalkan lagu gubay xarunta Bisha Cas ee magaalada Baardheere waxaa ka dambeeyay nin kamid ahaa shaqaalaha xaruntaasi lagu sameeyay shaqo joojin taas oo keentay in uu weeraro xarunta dabna qabadsiiyo.
Sawirro laga soo qaaday xarunta ayaa muujinaya bur-bur xooggan oo soo gaaray , dadka deegaanka ayaa isku dayay in ay damiyaan dabka hasa ahaatee waxa ay ku guul dareestaan daminta dabkaasi inta uusan xarunta bur burin .
Dad uu hogaaminaayay Ruuxa falkan geystay ayaa la sheegay in ay ka dambeeyay gubista xarunta, hore waxaa uu uga tirsanaa shaqaalaha caafimaadka ee Bisha Cas ee gobolka Gedo.
 
Laamaha ammaanka ayaa wada baaritaanno lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyay sida uu Warbaahinta u sheegay Maxamed Ibrahim Salaad oo ah gudoomiyaha arrimaha bulshada dagmada Baardheere.
 
Dhacdadan ayaana si weyn looga hadal hayaa magaalada Baardheere, maamulka magaalada ayaana sheegay in lasoo qabanayo dadkii falkaasi geestay ayna horgeyn doonaan cadaalada. 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -