DEG DEG: Al-Shabaab oo mar kale la wareegtay degaanada Camaara & Bacaadweyne

Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday degaanada Bacaadweyne iyo Camaara ee gobolka Mudug, Kadib markii ay iskood uga soo baxeen ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya

Goob joogayaal ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay gudaha u galeen degaanadan, iyadoo aysan dhicin wax dagaalo ah markii ay isaga tageen ciidamadii iskaashanayey.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale barahooda ku sheegay inay sidoo kale qabsadeen degaanada Qaycad, Shabeellow, Sabeena, Gowra,  Gaadaay,  iyo Laas Gacamaye.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa galmudug ayaan ka hadlin qabsashada deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara iyo sababta kaliftay iney ka baxaan.

Talaadadii ayey aheyd markii ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ay dib u qabsadeen magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, halkaasi oo muddo kooban ay haysteen Al-Shabaab ka dib dagaal culus oo dhexmaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -