Daacish: “Taliban waxay si qarsoodi ah u fulinaysaa qorshaha Maraykanka”

Kooxda Daacish ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ku aaddan xukunka Afghanistan ee gacanta u galay Taliban iyagoo sheegay in Taliban ay tahay wax ay ugu yeereen (Mashiinka dharka u tolo Ameerika)

Daacish waxay sheegtay in wixii ka dhacay Afghanistaan ​​ay tahay guul u soo hoyatay Mareykanka, ee aysan ahayn guul ay Taaliban gaartay sababtoo ah Taliban waxay ku guuleysteen inay riixaan fikradda ah in waddada loo maro kooxaha xagjirka ah ay tahay wadahadal.

Waxay intaas ku dareen in Taliban aysan hadda ahayn kooxdii uu hoggaaminayey Mullah Cumar 20 sano ka hor. “Taasi way is beddeshay, oo hadda Taliban waxay si qarsoodi ah u fulinaysaa qorshe Maraykanka uu wato oo lagu wiiqayo jihaadka gobolka” ayaa lagu yiri bayaanka Daacish.

“Mareykanku wuxuu ku guuleystay hirgelinta qorshihiisa isagoo adeegsanaya hoggaan cusub oo ka tirsan Taliban. Hoggaankan Taliban wuxuu ka hor yimid mabaadii’dii Mullah Cumar. Waxay doonayaan iney joojiyaan aasaaska khilaafada waxayna Mareykanka u sahli doonaan inay la dagaallanto kooxda IS ee Afrika, Ciraaq, Suuriya, iyo Bariga Aasiya” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka Daacish.

Dhinaca kale ururka Al-Qaacida ayaa bayaan uu saaray ku soo dhaweyay Maamulka Talibanka ee Afghanistan.

Kooxka tirsan Al-Qaacidda oo lagu magacaabo (AQIS), kuna sugan Hindiya, ayaa dhambaalkooda hambalyada ah ugu duceystay in Taalibaan ay si guul ah uga hirgelin karto Shareecada Islaamka Afghanistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -