Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal u diray dhigiisa Hakainde Hichilema

Madaxweynaha Somalia Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Dalka Zambia Hichilema oo lagu caleemo saaray caasimadda dalkaas ee Lusaka.

Hakainde Hichilema ayaa ahaa hoggaamiyaha Mucaaradka dalkaas isagoo tartanka Doorashada kaga guulaystay xisbigii horey talada u hayey.

Waa markii u dambaysay ee uu nasiibku u hiiliyo Hakainde Hichilema oo kama dambaystii noqday Madaxweynaha Zambia ka dib shan goor oo hore oo uu isku dayey oo aanu ku guulaysan

Hichilema wuxuu ka adkaaday ninkii uu la loolamayey oo ah madaxweynaha talada ka degay Edgar Lungu oo uu kaga badiyey hal milyan iyo dheeraad cod.

Hichilema oo 59 jir ah ayaa isku sheega inuu yahay “lo jir” raaci jiray xoolaha qoyskooda markii uu yaraa intaanu noqon ninka ugu hodansan Zambia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gurmad Deg Deg ah oo ku socda aqristayaasha Allbanaadir Online (Gabar yar oo dhiban)

admin

Jubbaland oo diyaarisay ciidamo cusub oo aad loo hubeeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Dayuurado weeraray Madaxtoyada Ruushka & Putin oo dil ka badbaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---