Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Somaliy (Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Maaliyadda wakiilka Bangiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka bariga Afrika, Kristina Svensson.

Shirka uu Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya la yeeshay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay arrimaha dib -u -habaynta Maaliyadda Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee Bangiga adduunka uu ku taagero Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay horumar ka samasay sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo isbeddelka dib-u-habaynta Maaliyadda dalka.

Wasiir Beileh ayaa uga mahadceliyey Bangiga Adduunka mashaariicda horumarineed iyo taageerada dhanka dib -u- habaynta hannaanka Maaliyadda dalka.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo Bangiga ayaa kala saxiixday bishii June ee sanad kaan heshiis gaaraya $445 Milyan oo Dollar oo ah Mashaariic kala duwan oo Deeq ah.

Related posts

Mss. Anita Kiki Gbeho oo booqasho ku tagtay Baydhabo & Puntland oo Mamnuucday..

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo si weyn loogu soo dhaweeyay Deegaan laga dhigay Degmo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Khayre oo la kulmay Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka & ku-xigeenadiisa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---