Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Taliban oo magacowday Wasiiro cusub, taliyaha Sirdoonka iyo Duqa Magaalada Kabul

Sida ay baahisay Wakaaladda wararka Pajhwok ee dalka Afghanistan Taliban ayaa magacawday Wasiiradii ugu horeeyey Maamulkeeda, Madaxa sirdoonka iyo Maayarka cusub ee magaalada Kabul.

Xubnaha la magacaabay oo ka kooban 8 xubnood ayaa waxay kala yihiin:-

  1. Sakhaullah waxaa loo magacaabay wasiirka Waxbarashada.
  2. Cabdul Baqi wuxuu noqonayaa madaxa tacliinta sare.
  3. Sadr Ibraahim waxaa loo magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha.
  4. Gul Agha waxaa loo magacaabay wasiirka Maaliyadda.
  5. Mullah Shirin ayaa noqonaya guddoomiyaha cusub ee Kabul.
  6. Hamdullah Nomani waxaa loo magacaabay duqa magaalada Kabul.
  7. Najibullah waxaa loo magacaabay madaxa sirdoonka Afghanistan.
  8. Mullah Abdul Qayyum Zakir waxaa laga dhigay wasiirka Difaaca

Waxaa xusid mudan in Zakir uu yahay maxbuus hore oo lagu soo xiray xabsiga Guantanamo ee Mareykanka.

Taliban oo 20 sano dagaal kula jirtay ciidamada Maraykanka iyo kuwa NATO ee dalkaas galay ayaa dhowaan qabsatay inta badan dalkaas, ayna awooda baneysay dowladii ka jirtay oo ku tiirsaneyd awooda ciidamada shisheeye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xulista Xildhibaanada cusub ee K/Galbeed oo bilaabaneysa & guddi la Magacaabay (Akhriso)

Caydiid Ali

Maamulka DDSI shuruudo cusub ku soo rogay dadka qabanaya xilalka gobolada (Akhriso)

Caydiid Ali

Hadal heyn ka dhalatay kulan Muqdisho ku dhax maray Masuuliyiin iyo Ciyaal Weero

Cabdi Cade
Taboola Ads ---