Ganacsade Soomaali ah oo caawa lagu dilay Queen-stown & burcadii ka dambeysay oo..

Allaha u naxariistee Ganacsade Isaaq Shiinow Cali ayaa caawa burcad hubeysan waxay ku dileen dukaankiisa oo ku yaala duleedka magaalada Queenstown oo ka tirsan gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Burcada ay dilka ganacsade Isaaq Shiinow u adeegsatay Toorey.

Saddex nin oo burcad ah ayaa sida la xaqiijiyay dukaanka ugu galay marxuumka ka dibna hoosta ka xirtay xili marxuum ganacsade Isaaq Shiinow u dukaanka ka shaqeynaayay kaligiis.

Dadka deegaanka oo ka war helay in dukaanka ganacsade Isaaq ay ku dhax jiraan burcad ayna dhacayaan ayaa la sheegay iney markiiba gudaha u galeen dukaanka iyagoo isla goobtaas ku dhax dilay sadexdii nin ee burcada ahaa.

Marxuumka ayay wararku sheegayaan inuu muddo dheer halkaas ku ganacsanayey dadka degaankuna ay aad yaqiineen taasoo keentay iney u soo gurmadaan isla markaana dilaan raggii burcada ah, iyadoo dhacdadan ay tahay mid ugub ku ah dalka koonfur Afrika.

Soomaalida iyo ajaaniibta kale ee ku dhaqan dalka Koonfur afrika ayaa si joogto ah waxaa loogu geystaa dilal iyo boob ka dhan ah hantidooda oo ay kula kacaan burcad u dhalatay dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -