Shirkii Golaha wadatashiga Qaranka oo maanta ka furmaya Teendhada Afisiyooni

Xubnaha golaha wadatashiga Qaranka oo ka kooban RW Rooble iyo madaxda shanta dowlad goboleed ee dalka ayaa maanta lagu wadaa inuu shir uga furmo magaalada Muqdisho kaasoo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa si rasmi ah uga furmaya Afisyoone  maanta oo Sabti ah sida lagu sheegay qoraal kooban oo Khamiistii ka soo baxay xafiiska Rooble.

Kulanka oo uu shir guddoomin doono R’iisul Wasaare Rooble waxa lagaga hadli doonaa qodobo ay ka mid yihiin diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa

Dhamaan Madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku sugan magaalada Muqisho marka laga reebo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo la filayo inuu soo saaka soo gaaro magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -