Itoobiya oo si kulul u beenisay eedeymo culus oo kaga yimid Maraykanka

Itoobiya ayaa beenisay eedeyn kaga timid Mareykanka oo aheyd inay hortaagan tahay gargaarka bani’aadanimo ee loogu talagalay dadka tabaaleysan ee ay colaaddu ku saameysay gobolka Tigray.

Hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Mareykanka ayaa dowladda Itoobiya ku eedeysay inay sabab u tahay gargaar la’aanta ka jirta gobolka Tigray.

Waxay ka digtay in cunnada gargaarka ahi ay ka go’i doonto gobolkaasi dhammaadka usbuucan.

Boqolaal kun oo qof ayaa halis ugu jira macaluul, xilli uu dagaal qaraar dhex marayo ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF.

Haseyeeshee dowladda Itoobiya ayaa beenisay in si ulakac ah loo hor istaagay gargaarka bani’aadannimo ee loogu talagalay dadka ku tabaaleysan gobolkaasi.

Afhayeenka Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa saxaafadda u sheegtay in dowladdiisu ay mar kastaa baabuurta sida gargaarka u ogolaaneysay inay galaan gobolkaasi Tigray balse duruufaha iyo dagaalada socda awgeed uu gargaarkaas gaari waayey meelihii loogu talo galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -