Allbanaadir.com
NEWS

Kulan looga hadlayay xaalad adag oo taagan oo Muqdisho ka dhacay

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, waxaana kulankaan goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray warbixinta abaarta La-nina, saameynta taban ee durba ka dhalatay taageerada qaar ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya howlaha gargaarka oo istaagtay iyo in wadajir looga howl-galo wax ka qabashada xaaladda bani’aadannimo ee waddanka.

Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa xusay in dadaallada diblomaasiyadeed iyo doorka hoggaamin ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda xogga lagu saari doono sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa malxadda ban’aadanimo ee ka jirta Soomaaliya.

Related posts

Xiriirka kubadda Cagta oo go’ aan cusub kasoo saaray ciyaarihii dowlad Goboleedyada ee la hakiyay

Cabdi Cade

Shaqaalaha Dowlada federaalka Soomaaliya oo beri la fasaxay (Ogow Sababta)

Cabdi Cade

Magaalada Muqdisho yey dhibbane u tahay..!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---