Afhayeenka Taliban”Isbedel weyn ayaa ka jira sida aan nahay hadda iyo 20-sano ka hor”

Kooxda Taliban ayaa maanta Kabul ku qabatay shirkeedii jaraa’id ee ugu horreeyey tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada.

Waxay ku dhawaaqeen inay doonayaan xiriir nabadeed oo ay la yeesheen dalalka kale ee caalamka. “Ma dooneyno cadow gudaha iyo mid dibedda ah,” waxaa sidaas yiri afhayeenka kooxda Zabihullah Mujahid.

Wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in xuquuqda haweenka lagu ilaalin doonin xuduudaha shareecada Islaamka, loona ogolaan doono inay shaqeeyaan oo ay wax bartaan, “ayna ka dhex muuqaan doonaan bulshada, si waafaqsan shareecada Islaamka.”

Zabihullah Mujahid ayaa yiri inaan cidna loo ogolaan doonin inay dhulka Afghanistan u adeegsato inay ka qaado weeraro ka dhan ah dalal kale.

“Waxaan jeclahay inaan u xaqiijiyo bulshada caalamka, oo uu ku jiro Mareykanka, inaan cidna la waxyeeleyn doonin,” ayuu yiri Mujahid.

“Waxaan jeclahay inaan u xaqiijiyo deriskeena, iyo dalalka gobolkeena inaan ogolaan doonin in dhulkeena loo adeegsado mid ka dhan ah cid kale ama dal kale oo caalamka ka mid ah. Marka dhammaan bulshada caalamka oo dhan ha xaqiiqsadaan inay naga go’an tahay middaas, oo aan la idin waxyeeleyn doonin.”

Waxa uu intaas ku daray in Taalibaan aysan raadin doonin inay ka aargudato askartii iyo xubnihii dowladdii reer galbeedka uu taageeri jiray ee dalkaas.

Mujahid ayaa sheegay in la cafiyey askartii hore ee dowladda, qandaraasleyaasha iyo tarjumaanadii la shaqeeyey ciidamada caalamiga ah.

Afhayeenka Taalibaan ayaa sidoo kale sheegay in kooxda ay dooneyso in warbaahinta gaarka ah ay sii ahaato mid madax-banaan,” hase yeeshee wuxuu suxufiyiita ku adkeeyey inaysan ka shaqeyn wax ka dhan qiyamka qaranka.

“Isbedel weyn ayaa ka jira sida aan nahay hadda iyo 20-sano ka hor. Talaabooyinka aan qaadi doono ayuu isbedelka ka muuqan doonaa. Geedi-socodka hadda aan wadno waa mid horumarin ah. Dowladda cusubna waxaa lagu dhawaaqi doonaa maalmaha soo aadan” ayuu yiri

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -