Ra’isul Wasaare Rooble oo maanta la kulmay Magatte Guisee (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka hay’adda Qoxootiga Adduunka UNHCR ee Soomaaliya Magatte Guisee .

Rooble iyo Wakiilka Hay’adda UNHCR ayaa waxa ay ka wada hadleen caawinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee dibadda ka soo laabanaya, sidii xal waara loogu heli lahaa dadka dalka gudihiisa ku barakacay iyo caawinta qoxootiga shisheeye ee dalka ku sugan.

Kulankan ayaa imaanaya xili dalka dib ugu soo laabanayaan qaxooti Soomaaliyeed oo kunoolaa qaar kamid ah Wadamada dariska la ah Soomaaliya kuwaa oo go’aansaday in dalkooda dib ugu soo laabtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -