Allbanaadir.com
NEWS

Gaadiid nuuca Gaashaamaan oo lagu wareejiyay Ciidamada Gor Gor (Daawo Sawirro)

Dowlada Soomaaliya ayaa maanta lagu wareejiyay gaadiid nuuca gaashaaman ,kuwa ciidamada qaada iyo booyado oo loogu tala galay inĀ  ay ku howlgalaan ciidamada kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gor Gor oo tababartay dowlada Turkiga.

Gaadiidkan gaashaaman oo ah kuwa casri ah waxaa dowlada Soomaaliya ku wareejisay dowlada Turkiga, waxaana gaadiidkan la wareegay Wasaarada Gaashaandhiga iyo taliska ciidanka milatariga Soomaaliya

Ciidamada Kumaandooska ee Gor Gor ayaana gaadiidkan si gaar ah ugu howlgali doona, waxaana saraakiisha ciidamada sheegeen in gaadiidkan loo adeegsan doono dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Dowlada Turkiga ayaa tababaro iyo taageero dhinacyo badan ah siisa ciidanka dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa ay sida gaarka ah u tababaraan ee Gor Gor iyo kuwa booliiska ee Haramcad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo War kasoo saartay dagaalka ka qarxay Baladxaawo kuna eedeesay Kenya

Cabdi Cade

Khayre oo ka hor yimid soo celinta Soomaalida Jarmalka

Caydiid Ali

In ka badan 100 dhallinyaro ah oo doonayay in Al Shabaab ku biiraan oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---