Wararkii Ugu Dambeeyay Madaxweyne Ashraf Qaani oo ka cararay Kabul

Telefishinka TOLO News ee Afganistan waxa uu goor dhow baahiyey inuu Madaxweynihii dalkaasi Ashraf Qaani uu ka dhoofay caasimada dalkaasi ee Kaabul, kadib markii magaalada hareereeyeen kooxda Daalibaan.
 
Telefishinku ma uusan sheegin halka uu Ashraf Qaani u dhoofay.
Ku-xigeenkiisa, Amiirullaahi Saalax lama sheegin inuu isagana ka dhoofay Kabul, inkastoo Guddoomiyaha Barlamaanka dalkaasi, Miir Raxmaan iyo Saraakiil kale u dhoofeen caasimada dalka Pakistan ee Islamabaad.
Cabdalla Cabdalla oo Madax ka ah Guddiga Dib-u-heshiisiinta Qaran ee dalka Afghanistan ayaa Muuqaal uu soo duubay ku xaqiijiyey inuu Madaxweynihii hore Ashraf Qaani ka dhoofay dalka Afganistan.
 
Bixitaankiisa ayaa yimid, kadib, wada-hadalkii Dowladda Afganistan iyo Daalibaan ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada ee Kabul.
 
Dhinaca kale, Warbaahinta Sputnik ee laga leeyahay Raashiya ayaa ka soo xigatay Telefishinka TOLO NEWS inuu Madaxweyne Ashraf Qaani kaga dhawaaqay intii uu socday Kulankaasi inuu oggolaaday inuu xilka iska casilo.
 
Madaxweynaha Afganistan magaciisa saxda waa Maxamed Ashraf Qaani Axmedzai, waa 72 jir waxa xilka Madaxweynaha loo doortay labo xilli Doorasho oo min 7 sano ah.
 
Doorashadii 1-aad waxaa la doortay bishii September 14-dii ee sanadkii 20142014-kii, iyadoo mar labaadna loo doortay xilkaasi bishii September 18-dii ee sanadkii 2019-kii.
 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -