Ciidanka Israel oo duqeyntii ugu dhimashada badneyd ka geystay Gaza (Sawirro)

Duqeymaha cirka Israel ee magaalada Gaza ayaa Axadda maanta ah waxaa ku dhintay 23 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Duqeynta maanta ayaa ahayd tii ugu dhimashada badneyd tan iyo markii uu toddobaadkii hore dagaalkan ka dhex qarxay Israel iyo Xamas.

Subaxnimadii hore ee Axadda, Israel ayaa duqeysay guriga Yehya Al-Sinwar, oo ah Hoggaamiyaha ugu sarreeya Xamas ee Gaza, waxaana uu dagaalku galay maalintii toddobaad oo xiriir ah. Si rasmi ah looma oga in Sinwar uu guriga ku sugnaa iyo in kale. Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa warisay in ay “u badan tahay in isaga iyo madaxda kale ee kooxdu ay dhuumanayaan.”

Hady Amr, oo ah ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ee arrimaha Israel iyo Falastiin, ayaa ku sugan Israel waxaana lagu wadaa in Axadda maanta ah uu la kulmo hoggaamiyeyaasha Israel, ka dibna uu Daanta Galbeed kula kulmo saraakiisha Falastiiniyiinta si loo helo “xasillooni waarta,” ayay Waaxda Arrimaha Dibadda ku sheegtay qoraal ay soo saartay.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa maanta xaaladda dagaalka socda kala hadli doona Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

Wasiiradda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub ayaa iyana Talaadada yeelan doonaan shir muuqaal ah oo ay kaga hadlayaan dagaalka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Israel iyo Falastiiniyiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -