Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo u jabaabay dadka dhaleeceenaya Doorashadii ka dhacday Galmudug

Siyaasiyiin iyo musharaxiin laga reebay liiska doorashada Aqalka Sare ee dhawaan ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug ayaa dhaliilay qaabka ay doorashadaasi u dhacday iyo waliba dadka gaarka ah uu soo xulay Qoor Qoor.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ka hadlay munaasabada aas aaska Galmudug oo xalay lagu qabtay magaalada Dhuusomareeb ayaa u jawaabay dadka dhaliilay doorashadii ka dhacday Dhuusomareeb.

Qoor Qoor ayaa sheegay in doorashada dalka ka bilaabatay ee lagu heshiiyay ay tahay mid dadban, waxa uuna kula taliyay dadka doonaya in la doorto codka weediistaan kana doontaan kuwa codka dhiibanaya.

“Dadka qaar oo dhahayo doorashada saasaa loo dhigay, adeer dalkaan waxa uu galay ama ku heshiiyay Doorasho dadban, marka aan gaarno doorasho qof ah waan u soconaa allaha na gaarsiiyo, haddii aad tahay musharax codka weydiiso oo soo bandhig wax laguugu dooran karo” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.

Madaxweyne Qoor Qoor oo sidoo kale la hadlay dadka doorashada ku guul dareestay in ay suurad xumeeyaan doorashada, waxa uuna ugu baaqay dadka doorashada ka haray in ay dulqaad muujiyaan doorashada socotana ay tahay mid dadban.

“Haddii aadan adiga kursiga ka helin ama mid aad la rabtay uusan helin micnaheedu ma aha in aan wax kheyr badan meesha ka dhicin, walaal u dulqaado waa doorashada uu dalka ku heshiiyay, intii soo baxday Hambalyo”. ayuu yiri Qoor Qoor.

Hadalka Madaxweynaha Galmudug ayaa kusoo aadaya xili doorashada dadban ee dalka ka bilaabatay gaar ahaan mida Aqalka Sare durba ku bilaabatay qaab musuq maasuq ah, waxaana laga cabsi qabaa in doorashada sanadkan musuq weyn hareeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khayre oo Isbitaal ku booqday askar ku dhaawacantay Weerarkii Ceel Saliini (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo sheegtay in la dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Maraykanka oo shaaciyey inuu duqeyn ku laayey 60 ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---