Rooble oo Nairobi kula kulmay Cumar C/rashiid, Qalbi-dhagax & xubno kale.(Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Sharmarke kaas oo ay iska xog-wareysteen xaaladda dalka  iyo doorashooyinka .

Sidoo kale, Rooble ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay C/kariin Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsanaa Jabhada ONLF ee ka dagaalami jirtay degaanka Soomaalida Itoobiya.

Qalbi-dhagax ayaa sanadkii 2017 dowlada Somalia waxay ka qabatay Magaalada Muqdisho, iyadoo u gacan gelisay dowlada Itoobiya, waxaana la sii daayey markii uu xukunka la wareegay RW Abiy Ahmed, iyadoo gacan gelintiisa ka dhalatay caro xoogan.

Dhinaca kale, 11-bilood kadib maanta ayuu Ra’iisul-wasaare Rooble booqday maqaayaddii uu fariisan jiray intaan loo magacaabin Ra’iisul Wasaaraha dalka isagoo ah qof shacab ah oo ka mid ah dadka xaafadda degan.

“Inkasta oo mashquulkiisa iyo shaqooyinka uu halkan u yimid ay aad u badnaayeen hadana ma iloobin inuu soo booqdo saaxiibadii ay isku sheekada ahaayeen iyo Lamuru Coffee oo kawada casriyeyn jireen” ayuu yiri afhayeenka xukuumada Somalia.

Rooble ayaa intaan loo magacaabin xilka ra’isul Wasaaraha waxaa uu muudo 13 sano ah ku noolaa magaalada Nairobi

“Hadda ka hor baa siyaasiga Soomaaliyeed Cali Xaaji Warsame waxa uu ugu yiri Odayga yaanu iloobin dardaarankii kooxdayadii isku fadhiga aheyd ee Limuru Coffee . RW Rooble manta ayuu booqday kooxdii una xaqiijiyay in dardaarankii uu tabtiisii yahay ,dalkuna inshallah uu hagaagsan yahay, inta dhimanna ay ugu soo duceeyaan in Alle la garab galo” ayuu yiri Macalimuu

Dadkii maqaayadda ka shaqaynayay iyo kuwii ku shaahayay qaarkood ayuu gartay oo uu gacan qaaday. Sidoo kale dadka joogay iyo kuwa maamula maqaayaddan u dhow gurigii uu degganaan jiray oo ay Soomaali leedahay ayaa ku farxay booqashada Ra’iisul Wasaaraha iyagoo ku tilmaamay nin aan hilmaamin deriskiisii iyo asxaabtiisi uu lahaa inta uusan xilka qaban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -