Allbanaadir.com
NEWS

Madaale oo xariga ka jaray wado loogu magac daray RW hore (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray 10 Waddo oo interlock oo laga hirgeliyay Xaafada Taleex ee Degmada Hodan.

Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay Maamulka iyo Bulshada Degmada Hodan iskaashiga ay ku dhisteen waddooyinkaan oo muhiim u ah isku socodka iyo bilicda Degmada.

Waxaa uu sheegay in Degmada Hodan ay tusaale muuqda u tahay Degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir marka la eeego horumarka ay ku talaabsaneyso mudooyinkan.

Mid ka mid ah Waddooyinka ugu muhiimsan ee maanta la xarig jaray ayaa loogu magacdaray Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya AUN. Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyadoo munaasabadda xarig jarka ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Degmada Hodan Md. Cali Axmed Faarax, Xildhibaano, Ganacsato iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

Related posts

Dowlada Somalia oo shaacisay talaabada xigta ka dib deyntii laga cafiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland iyo Jubbaland oo War-saxaafadeed xasaasi ah ka soo saaray Muqdisho (Akhriso)

Caydiid Ali

Labo Musharax oo u gudbay wareega Sadexad ee doorashada Madaxweynaha Puntland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---