Carabey iyo Cali Gacal oo laga war dhoorayo Go’aankooda siyaasadeed ee Xiisada Galmudug

Maamulka Galmudug ayaa xiligan galay marxalad siyaasadeed oo aad u adag, waxaana labo garab hada u kala jabay Maamulkii Galmudug uu Xaaf hogaaminayay iyo Garabkii Ahlu Sunna uu hogaaminayay Sheekh Shaakir.

Xaaf oo mudooyinkii ugu dambeeyay saldhig ka dhigtay magaalada Dhuuso Mareeb ayaa halkaasi shalay ka qaatay boorsooyinkiisa , waxa uuna Xaaf safar dhinaca dhulka ah ugu ambo baxay Gaalkacyo isaga oo sii maraya Cadaado uu in badan diyaarad ku dul maray.

Magaalada Cadaado ayaa mudooyinkii dambe waxaa xarun u aheyd garab kamid ah maamulka Galmudug ay hogaaminayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal  Casir iyo sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey.

Madaxweyne Xaaf oo isaga cararay Dhuuso Mareeb ayaa xalay ku dhawaaqay in doorashada ogolaaday ayna ka dhaceyso Cadaado, waxaana suurto gal ah in Xaaf Cadaado ku hakado lana kulmo waxgaradka Cadaado si uu uga raali galiyo khaladkii uu ka galay.

Waxaa wali isbadalka siyaasadeed ee kusoo kordhay Galmudug aan ka hadlin Cali Gacal iyo Maxamed Xaashi Carabey, lamana oga wali labadan  masuul in ay Dhuuso Mareeb iska dhiibi doonaan ayna hoos tagi doonaan Kooxda Sheekh Shaakir ay kasoo horjeedeen.

Cali Gacal iyo Maxamed Xaashi ayaa lagu xantaa in ay ka dabqaataan Villa Soomaaliya, waxaana suurto gal ah in ay tagaan magaalada Dhuuso Mareeb oo mudo badan aysan cagtooda saarin qeybna ka noqdaan abaabulka doorashada la filayo.

Xubno ku dhaw dhaw labadan masuul ayaa noo sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Maxamed Xaashi ay tagayaan magaalada Cadaado oo mudo xarun u aheyd halkaasna ay ka cadeyn doonaan go’aankooda siyaasadeed.

Dadka Siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in masraxa siyaasada maamulka Galmudug aysan mar kale kasoo muuqan doonin Xaaf , Maxamed Xaashi iyo Cali Gacal oo afartii sano ee dhamaatay ku dhameestay Khilaaf maamul iyo dibad joog.

Dowlada Soomaaliya ayaa hada hageysa doorashada dadban ee ka dhici doonta magaalada Dhuuso Mareeb, waxaana doorashadaasi kusoo bixi doona hogaankeeda xubnaha laga soo ansixiyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -