Dowlada Somalia & dowlad goboleedyada oo ka shiray xaalad soo korortay

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Fawziya Abikar Nur, ayaa guddoomisay shir ku saabsan xaaladaha isa soo taraya ee Caabuqa Covid-19.

Shirkan oo ku qabsoomay hanaanka fogaan araga ee Zoomka aya waxaa kasoo qeybgalay  Wasiiradda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowllad Goboleedyada, Agaasimayaasha Guud iyo Lataliyaal.

Inta uu shirku socday waxaa warbixno ku saabsan xaaladda caabuqa Covid-19 soo  jeediyay qeybta gaarka ah ee lasocoshada iyo dabagalka xaaladaha Caabuqa Covid-19; sidoo kale waxaa warbixno laga dhageystay Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowllad Goboleedyada, taasoo inteeda badan tabanaysay Caqabadaha hada jira iyo xaaladda guud waxyeelada Caabuqa.

Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka iyo kuwa Dowlaada Goboleedyada ayaa isla qaatay in caabuqa Covid-19 uu mar sedexaad soo laabtay, ayna lagama maarmaan tahay in Dowlladu qaadato Tallaabo degdeg si loo badbaadiyo bulshada loogana hortago culeyskasta oo keeni kara in xaalad degdeg ah lagalo.

Dhanka kale Wasaardaha Caafimaadka oo muddadaan ku jiray heegan, waxey si wadajir ah uga codsanayaan Hay’adaha Dowllada inay ka qebqaataan dadaalka ka hortaga caabuqa dillaga ah ee Covid-19.

Dowllada Federaalka ee Soomaaliya waxey  bulshada Soomaalyeed ugu baaqeysaa in ka qeyb qaataan ladagaalanka caabuqa Covid-19 oo xaqiidii ah mushkilo caalami ah oo u baahan iskaashi iyo wadajir qaran oo dhankasta ah.

Dr. Fawziya Abiikar Nuur, ayaa ballanqaaday in Wasaardda Caafimaadka ay dardargelin doonto  xal u helidda caqabadaha la xiriira dhanka oxygen ka oo la filiyo inay dalka imaan doonaan warshaddo sameeya oxygen ka kuwaas  oo laga dhisi doono Isbitaalada Dowladda ee   Magaalada Muqdishu iyo kuwa Gobollada, balsa inta ka horeysa, Wasiiraddu waxay ku baaqday in Dowlaada iyo Ganacsatadda Soomaaleyeed loo bahanyahay inay iska kaashadaan kajawabidda baahiyaha imaan kara, silamida iskaashiyadii hore ee guuleystay ee caawinta Mujtamca Soomaaliyeed.

Dr. Fawziya Abiikar Nuur, ayaa ugu danbeyntii tiri “Dagaalka Dowllada ee ku aadan afjaridda masiibada Covid-19 waxaan kaga gungaari karnaa in dadka Soomaaliyeed qaataan tallaalka iyo taxadar dheeri ah, waxaana muhiim ah in inta ugu badan ee suurtogalka ah ee gaari kara goobaha aan dhignay tallaalka ay qaataan, Tallaalka aan keenay waa mid amaan ah oo nabdoon, taas waxaa cadeynaya aniga, waayo waxaan si buuxda u qaatay 2 deydii tallaal, wax dhib ahna ma arag,”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -