Guddoomiye Cantoobo oo qaaday talaabo howlkarnimo oo lagu amaanay (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Cantoobo ayaa faahfaahin ka bixiyey waxqabadkii maamulkiisa mudada kooban ee uu xilka hayo.

Maxamed Axmed Cantoobo ayaa sheegay in mudadii uu xafiiska joogay ay wax badan ka qabteen hagaajinta maamulka degmada iyo soo celinta adeegyada bulshada, ayna ku talo jiraan fulinta qorsheyaal kale oo lagu horumarinayo degmadaas.

“Waxyaabaha inoo qabsoomay waxaa ka mid ah Xarunta degmada oo aan ka hirgalinay xafiiska adeega dadweynaha, halkaasoo ay bulshadu ka heli doonaan adeegyada dowladda hoose ay bixiso sida Shatiyada ganacsiga, diiwaan gelinta guryaha iyo ganacsiga, waraaqaha dhalashada iyo sugnaanta oo markii hore loo doonan jiray Xarunta Dowladda Hoose” ayuu yiri Gudoomiye Cantoobo.

Waxaa uu sidoo kale intaas ku daray iney Dayactir, qalabeyn iyo dhismo ku wadaan muddooyinkan xarunta degmada kuwaasoo uu xusay iney hadda marayaan meel gabo gabo ah.

“Howshan ayaa daba socota aragtida Maamulka sare gobolka Banaadir ee ah sidii dadweynaha loogu dhaweyn lahaa adeegyada ay uga baahan yihiin dowladda Hoose” ayuu yiri gudoomiye Cantoobo.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in howlaha derisyeynta ay si wanaagsan uga socdaan  degmada ayna wada shaqeyn buuxda ka dhaxeyso masuuliyiinta degmada min Tabeelle, laan, waax illaa Maamulka sare, isagoo shacabka degmada ugu baaqay iney xoojiyaan la shaqeynta maamulka iyo laamaha amaanka degmada.

Degmada Hodan oo ah mida ugu baaxada weyn degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka socda horumaro kala duwan iyo Mashaariic lagu horumarinayo adeegyada bulshada ee degmada, kuwaasoo ay hormuud ka yihiin masuuliyiinta degmada oo uu ugu horeeyo Guddoomiye Maxamed Axmed Cantoobo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -