Imran Khan oo si Cajiib ah uga fal celiyay xayiraad dhinaca safarka oo la saaray

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan ayaa cadaadis xooggan kala kulmaya dowladda Pakistan, waxaana siyaasigan iyo xubno badan oo katirsan xisbigiisa lagu soo rogay xayiraad dhinaca safarka dibadda ah.

Dowladda Pakistan ayaa xayiraad dhinaca safarka ah kusoo rogtay Imran Khan iyo xaaskiisa Bushra Bibi, waxaa sidoo kale xayiraada qeyb ka ah in ka badan 500-xubnood oo katirsan xisbiga uu hoggaamiyo Imran Khan.

Hay’adda barista Federaalka (FIA) ayaa amartay in aysan dalka ka bixi karin Imran Khan iyo xubnaha kale ee xayiraada lagu soo rogay, waxa ayna hay’adan sawirrada xubnahan safarka laga mamnuucay dhigtay meelaha laga safro.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa xayiraada lagu soo rogay ku tilmaamay daan-daansi siyaasadeed, waxa uuna xusay in hadda aysanba qorshaha ugu jirin in uu dalka ka safro.

Imran Khan ayaa sheegay in uusan heysan dhaqaale uu safar dibadda ah ugu baxo, waxa uu sidoo kale xusay in dhaq dhaqaaqa bangisiisa uusan shaqeyneen,isagoo intaa raaciyay in kaliya uu aadi doono haddii uu fasax helo buuraha waqooyi uu aad u jecel yahay in uu tago.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -