Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir ka tirsan Hirshabelle oo geeriyooday iyo Cali Guudlaawe oo ka tacsiyadeeyey

Wasiirkii Gaadiidka iyo Duulista Hawada  Dowlada Hirshabeelle Marxuum Cabdullaahi Maxamed Rooble ayaa goor dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuum Cabdullaahi Maxamed Rooble ayaa sidoo kale horey soo noqday gudoomiayaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

“Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Ali Gudlawe Hussein oo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii, iyo Shacbiga  Hirshabeelle ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Wasiirkii Gaadiidka iyo Duulista Hawada  Dowlada Hirshabeelle Marxuum Cabdullaahi Maxamed Rooble oo maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Maamulka Hirshabelle

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Erdogan oo xabsiga u taxaabay Saraakiil qorsheynayey afgembi cusub

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey shirkii xalay u furmay Madaxda shanta Dowlad goboleed

Caydiid Ali

Natiijada Imtixaankii Dugsiyada Sare oo la shaaciyay (Halkan ka Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---