Cumar Finish oo Xilka ka qaaday Afar Gudoomiye Degmo (Akhriso Magacyada)

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa xilka ka qaaday Afar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wareegtada uu soo saaray Cumar Finish ee xilka looga qaaday Gudoomiyaashan ayaan lagu cadeyn sababo rasmi ah oo xilka looga qaaday, waxa uuna Cumar Finish kaliya magacaabay Hal Gudoomiye degmo.

Gudoomiyaasha Xilka laga qaaday ayaa kala ah

1-Guddoomiyaha degmada Xamar Weyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir.
2- Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Abshir Kaaraan.
3- Guddoomiyaha degmada Waabari Cabdicasiis Cismaan Jaamac.
4- Guddoomiyaha degmada Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle.
 
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa u magacaabay Gudoomiyaha degmada Hiliwaa in uu noqdo Mire Salaad Dhuxulow, waxaana la filayaa Cumar Finish in sidoo kale soo magacaabo badelka sadexda Gudoomiye degmo uu xilka ka qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -